Faah Faahin: Qarax ismiidaamin lagu burburiyay xaruntii degmada Howlwadaag iyo khasaare ka dhashay

0
684

Faah Faahin: Qarax ismiidaamin lagu burburiyay xaruntii degmada Howlwadaag iyo khasaare ka dhashay

Qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa burburiyay dhammaan xarunta degmada iyo guryo ku dhow dhow, waxaana la sheegayaa inuu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in dugsi qur’aan ku dhow xarunta degmada uu burburiyay qaraxa, waxaana ku dhintay carruur dhiganeysay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu burburiyay guryo dad rayid degenaayeen, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Inkastoo aan weli la heyn tirada dhimasho iyo dhaawac ee qaraxa ka dhashay, maadaama ay xilli hore tahay, hadana waxaa la sheegayaa in dhimashada ay gaareyso ugu yaraan shan ruux oo ay carruur ku jiraan.

Xarumaha degmooyinka ee adeegyada loogu fuliyo darla rayidka ayaa ku yaalla xaafadaha magaalada, kama mid aheyn bartilmaameedyada weerarada qaraxyada ee ay Al-Shabaab ka fuliso magaalada Muqdisho, hase ahaatee sanad ka hor ayay aheyd qarax ismiidaamin oo lagu weeraray xarunta degmada Wadajir, kaasoo dad ka badan 15 ruux ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here