Mucaaradka Koofurta Sudan oo diiday in ay saxiixaan heshiiskii u dambeeyay

0
696

Mucaaradka Koofurta Sudan oo diiday in ay saxiixaan heshiiskii u dambeeyay

Hogaamiyaha mucaaradka Koofurta Sudan Riek Machar iyo kooxaha kale ee mucaaradka ah ayaa diiday inay saxiixaan dukumintigii ugu dambeeyay ee dib u heshiisiinta dalkaas taasoo lagu soo afjaro dagaalka sokeeye ee ka socday dalkaas shantii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo Hoggaamiyaha mucaaradka  Riek Machar ayaa heshiis awood qeybsi ah waxa ay saxiixeen bishii la soo dhaafay kadib shirar kala gaar gaar ah oo bilihii la soo dhaafay soconayay.

Balse Machar ayaa diidey inuu saxiixo qeybtii u dambeysay ee heshiiska iyadoo taasi ay ka dhigeyso mid adag in la hirgeliyo heshiiska.

“Kooxaha mucaaradka ah ee Koofurta Sudan waxa ay diideen inay saxiixaan dukumintigii ugu dambeeyay iyagoo dalbanaya in ay helaan ballanqaadyo,”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada  Al-Dierdiry isagoo kula hadlayay saxafiyiin magaalada Khartoum.

Heshiisyo hore ay u gaareen mucaaradka iyo xukuumada Koofurta Sudan ayaa burburayay muddo kooban kadib waxaana dib u bilaabanayay dagaal.

Koofurta Sudan ayaa labo sano kadib markii uu dalkaasi xoriyada qaatay waxaa ka bilowday dagaal sababay dhimasho,burbur iyo barakac. Hase yeeshee heshiiskii ugu dambeeyay ee la gaaray kadib ayaa waxaa dib u bilowday soo saarista shidaalka dalkaas.

Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa dib u bilowday howlihii ka socday ceelasha shidaalka kuwaasoo laga kala tagay sanadihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here