DEG DEG :- Madaxweyinihii Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar Oo Iscasilay Iyo Cida Madaxweyne Loo Doortey .

0
614

DEG DEG :- Madaxweyinihii Kililka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar Oo Iscasilay Iyo Cida Madaxweyne Loo Doortey .

Wararka ka imanaya dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynihii maamulkaas Cabdi Maxamuud Cumar uu is casilay lana magacaaabay Madaxweyne kale.Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in loo magacaabay madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed (Ilkacase) oo  hore u ahaa wasiirka Maaliyada dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Sarkaal u hadlay xisbiga talada haya dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Madaxweynaha xilka baneeyay Cabdi Maxamuud Cumar uu yahay guddoomiyaha xisbiga talada haya uuna joogo magaalada Jig-jiga.

Waxaa soo baxayay khilaaf u dhexeeya Dowlada Federalka Itoobiya iyo Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar,waxaana dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay magaalooyin ka mid ah DDSI rabshado khasaare geystey.

lama oga in ay joogsan doonaan rabshadaha ka jira magaalooyinka waaweyn ee DDSI sida jig-jiga iyo Diridhabe maadaama la magacaabay Madaxweyne cusub.

Hase yeeshee ciidamo faro badan oo ka socda Federalka Itoobaiya ayaa ku qulqulaya magaalada Jig-jiga ee xarunta DDSI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here