Madaxweynaha Zimbawe oo isku duubni ku baaqay

0
680

Madaxweynaha Zimbawe oo isku duubni ku baaqay

Emmerson Mnangagwa ayaa sheegaya in uu madax u noqon doono dhamaan dadka reer Zimbabwe waxa uuna dadka ugu yeeray in ay midoobaan kadib khilaafkii ka dhashay doorashadii uu ku guulaystay.

Madaxweynuhu wuxuu codsaday nabadgelyo wuxuuna ballan-qaaday in baaritaan madax-bannaan lagu sameeynayo millatariga ka dib markii lix qof lagu diley rabshadihii dhacay doorashada kadib.

Hogaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa ayaa ku tilmaamay guusha madaxweyne Mnangagwa afgabi lagu sameeyay rabitaanka shacabka.

Doorashadaan ayaa ahayd tii ugu horeeysay tan markii xilka laga xayuubiyay madaxweynihii ugu muddada dheeraa dalkaasi Zimbabwe ee Robert Mugabe.

Shir jeraa’id oo uu qabtay madaxweyne Mnangagwa ayuu ku sheegay in Mr Chamisa uu door weyn ku leeyahay mustaqbalka Zimbabwe.

 

Maxay shacabka Zimbabwe ku kala xulanayaan musharixiinta

Mr Chamisa ayaa goor sii horeeysay sheegay in natiijada la musuqmaasuqay, waxa uuna intaasi ku daray in xisbigiisa isbahaysiga ee MDC ay dhanka sharciga ku raadin doonaan xuquuqdooda.

Hogaamiyaha mucaaradka waxa uu sheegay in uu hayo cadeyn ku filan oo ah in sanduuqyada lagu daabulay gawaari xamuul ah oo furan si wax la isku daba mariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here