Kaniisad Ku Taalay Magaalada Jigjiga Oo La Gubay+SAWIRO

0
1197

Kaniisad Ku Taalay Magaalada Jigjiga Oo La Gubay+SAWIRO

Xaalada kacsanaan ah ayaa weli waxa ay ka taagan tahay Magalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Federaalka Itoobiya ayaa la wareegay badi Xarumaha maamulka magalada Jigjiga,waxana sidoo kale jirta goobo dab la qabadsiiyey.

Wararkii ugu dambeeyey ee soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in dab la gubay Kaniisadii Magalada Jigjiga ka dib markii dad badan ay ku xoomeen.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay xiisada Maanta ka taagan Magalada Jigjiga,iyada oo aan la ogeyn halka uu aaday Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here