Madaxweynaha Iran Oo Si Xooggan Ugu Gacan Saydhay Dalabkii Uga Yimid Dhiggiisa Dalka Maraykanka

0
658

Madaxweynaha Iran Oo Si Xooggan Ugu Gacan Saydhay Dalabkii Uga Yimid Dhiggiisa Dalka Maraykanka

Dawladda dalka Iran ayaa si xoogan ugu gacan saydhay dalabkii uga yimid Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kaasi oo ahaa in uu rabo la kulanka Madaxweynaha dalka Iran Mr Rouhani.

Madaxda waddankaasi Iran ayaa waxa ay ku tilmaameen in wadahadalka iyo kulanka uu ku baaqay Madaxweyne Trump uu yahay waxay ugu yeedheen “Quudhsi” oo aanay aqbali karin.

Ugu horrayna Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Bahrem Qasim ayaa waxa uu sheegay in wadahadalka uu Trump ka dalbaday uu yahay hadal la iska yidhi oo aan waxtar lahayn meel marna ahayn.

Madaxweynaha dalkaasi Iran Rouhani ayaa waxa uu isna ku tilmaamay in hadalka kasoo yeedhay Trump uu yahay mid aan sharaf lahayn, isaga oo sheegay in Trump uu kabaxay heshiiskii caalamiga ahaa ee ay Viena kuwada galeen 2015-kii islamarkaana uu jabiyay sharci caalami ah oo dunida oo dhami goobjoog ka ahayd, Washington na ay xoojisay ololaha cadawtinimada ah ee ka dhanka ah Iran.

Dhanka kale qaar kamid ah gacanyarayaasha wadaadka Aayatullaha ee  talada ugu dambaysa ee waddanka Iran iska leh ee Cali Khumeyni ayaa iyaguna hadalkaasi Trump ku tilmaamay mid la iska yidhi oo macno darro ah waddankooduna aanu ahayn sida Kuuriyada waqooyi oo kale taasoo uu marba wax ku qanciyo Maraykanku, waxaana ay sheegeen isaga iska daaye in madaxweynayaasha ka dambeeya aanay wadahadal la geli doonin.

Ugu dambayna madaxa guddiga xidhiidhka arrimaha dibadda Iran oo ah guddi uu maamulo Aayatullahi Cali khumeyni ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in Aayatulaha oo kaashanaya guddiyada dalka uu go’aan ku gaadhay in hadalka Trump aan waxba laga soo qaadin.

Hadalladan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Maraykanku uu sheegay in wadahadal aan shuruudi ku xidhnayn uu rabo in uu la yeesho madaxweynaha Iran Mr Rouhani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here