Sagaal qof ayaa lagu la’yahay gobolka California ee dalka Mareykanka, kadib markii dab xoogan uu ka kacay dhul ballaaran oo keyma ah.

0
614

Sagaal qof ayaa lagu la’yahay gobolka California ee dalka Mareykanka, kadib markii dab xoogan uu ka kacay dhul ballaaran oo keyma ah.

Sagaal qof ayaa lagu la’yahay gobolka California ee dalka Mareykanka, kadib markii dab xoogan uu ka kacay dhul ballaaran oo keyma ah. Dabkan ayaa ilaa iyo inta la ogyahay waxaa ku dhintay shan qof oo ay kamid yihiin caruur iyo laba qof oo katirsanaa waaxda dab damiska ee dalkaasi, kuwaasi oo ku howlana deminta dabka.

Baaxadda dabka ayaa waxaa lagaga qiyaas qaadan karaa iyadoo meelaha dabka uu ka kacay ay ka hawlgalayaan ilaa 3,400 oo shaqaalaha dab damiska ah oo qalabkoodu u dhan yahay, kuwaasi oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikobtarada iyo diyaarad kale.

kumanaan qof oo deganaa degaanada uu dabku ka kacay ayaa ku gurya beelay, iyagoo na nafsadooda kala baxsaday halka uu dabka ka kacay.

Hawada kulul ee qaleylka iyo dabeysha wadata ayaa loo aaneynayaa inay sababtay dabkan, iyadoo na wali shaqaalaha dab damiska ay la daalaa dhacayaan sidi lagu baqtiin lahaa dabkan oo ka kacay ilaa 130 keymood oo waaweyn.

 

bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here