Qatar oo lagu edeeyay wax isdabamarin si ay u martigeliso ciyaaraha koobka adduunka

0
655

Qatar oo lagu edeeyay wax isdabamarin si ay u martigeliso ciyaaraha koobka adduunka

Dowladda Qatar ayaa wajaheysa eedeymo ah in xiligii ay u tartameesay marti gelinta ciyaaraha koobka adduunka ay sameesatay olole qarsoodi ah, si ay uga guuleysato dalalkii kula tartamayay martigelinta ciyaaraha.

Dalalka Mareykanka iyo Australia ayaa Qatar kula tartamay martigelinta ciyaaraha xiga ee koobka kubadda cagta. Wargeyska The Sunday times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa kusoo warramay in shirkado ka shaqeeya xiriirka caalamiga iyo shakhsiyaad horay uga tirsanaa laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA -da ay adeegsatay Qatar, si meesha looga saaro dalalka Qatar kula tartamayay martigelinta ciyaaraha koobka adduunka ee sannadka 2022-ka.

Dowladda Qatar ayaa beenisay eedeymahaasi, waxaana haddii lagu helo dambiyadaasi ay noqoneysaa inay jebisay xeerka u yaala guddiga maamula kubadda cagta adduunka ee FIFA.

Dalka Qatar ayaa durbaba bilaabday dhisida garoomada kubadda cagta ee lagu dheeli lahaa sannadka 2022-ka, waxaana aanan la garaneynin waxa dhici karaa haddii Qatar lagu heli inay sameysa wax isdabamarin, si ay u martigeliso ciyaaraha koobka adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here