Maraykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyey Somalia Meel Ku Dhow Halkii Looga Dilay Askariga

0
598

Maraykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyey Somalia Meel Ku Dhow Halkii Looga Dilay Askariga

Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM, Gaashaanle Karl Wiest oo la hadlay Telefishinka CNN-ka ayaa sheegay inay Isniintii la soo dhafaay duqeyn la beegsadeen Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, waxayna duqeyntaasi ka dhacday meel ku dhow halkii ay Alshabaab bishii hore ku dileen Askari Maraykan ah.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay DFKS iska kaashadeen weerarkaasi oo ka dhacay meel 50-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Kismaayo.

Afhayeenka Taliska AFRICOM, Gaashaanle Karl Wiest waxa kale oo uu sheegay inay Maraykanka qiimeyn ku hayaan Natiijada ka soo baxday Duqeyntii ay Isniintii hore la beegsadeen Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Duqeyntii ugu dambaysay ee ay Maraykanka ka geystaan Somalia ayaa waxay dhacday bishii hore ee June 2-dii, kadib, markii Askari Maraykan ah oo la oran jirey Saddex Alifle Alexander Conrad ku geeriyoodeen duqeyn ay Alshabaab xilligaasi ku qaadeen meel ku dhow Saldhig ku yaaalla Deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Ku-dhawaad 500 Askar Maraykan ah ayaa ku sugan Somalia tan iyo sannadkii 2013-kii, kuwaasi oo Ciiddanka DFS iyo kuwa AMISOM ka taageera La-dagaalanka Alshabaab.

 

xigasho Dalsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here