Nin Kaligiis kunool dhul cidlo ah Qofkii uu arkanaya dilaya !!!

0
1001

Nin Kaligiis kunool dhul cidlo ah Qofkii uu arkanaya dilaya !!!

Waxaa soo baxay muuqaal dhif iyo naadir ah oo muujinaya nin la sheegay inuu yahay ninka sida kalinimada ah ugu nool dunida.

Ninkan ayaa la sheegay in kaynta Amazon ee dalka Brazil uu kaligiisa ku noolaa muddo 22 sanno ah kaddib markii la dilay xubno ka tirsanaa qoyskiisa.

Muuqaal ay soo qaaday laanta ilaalinta xuquuqda dadka ku dhaqan halkaasi ayaa sidoo kale muujinaya ninka oo Masaar ku jaraya geedo dhowr ah kaynta gudaheeda, waxaana si wayn loogu baahiyay dunida.

Funai oo ahaa qofka la socday dhaqdhaqaaqa ninkan ilaa sannadkii 1996-dii ayaa sheegay in ninkan uu nool yahay islamarkaasna loo baahan yahay inaan lagu xadgudbin dhulka uu isaga ku dhaqan yahay oo ku yaalla gobolka waqooy galbeed ee Rondonia oo ku yaalla dalka Brazil.

Dhulka uu kaligiis ku nool yahay ninkan ayaa ku fadhiya 4,000 hektar, waxaana ku hareeraysan beero gaar loo leeyahay. digniin ay soo saartay laanta difaaca xayawaanada iyo dadka ku nool kaymaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in aanan lo ogolayn in la galo kaymaha oo dhibaato loo gaysto ninkaaasi cidlada ku nool.

Sida ku xusan sharciga waddanka Brazil, dadka lamidka ah ninka oo kalinimada doorbiday waa in la difaaca dhulka xaqa ay leeyihiin inay ku noolaadaan.

Fiona Watson oo agaasimaha waaxda darasaadka iyo arrimaha xuquuqda badbaada caalamiga ah ayaa sheegtay in dowladda Brazil ay xaqiijiso ammaanka ninkan sii loo difaaco noloshiisa.

Fiona Watson waxay intaasi ku dartay in soo daynta muuqaalkan ay arrimo siyaasadeed ka dambeeyaan. waxay intaasi ku dartay in weerar lagu hayo dadka iyo xayawaanada ku nool kaymaha dalkaasi.

Ninkan waxaa lagu tiriyay inuu yahay qofka kaliya ah ee ka badbaaday kooxo beeralay oo weerar lagu qaaday sannadkii 1995-tii. waxaana la sheegay in weliggiis uusan qof la hadlin ama la xiriirin wixii ka dambeeyay waaggaasi.

Lamana garanayo qowmiyadda uu ninkan ka tirsanyahay, luqadda uu ka hadlana cid garanayso ma jirto

Horraan ninkan wuxuu ka tagey guryo cooshado ah iyo agab kale oo uu kamid yahay Waran.

Muuqaalka waxaa soo qaaday nin filin-qaade ah oo la socday koox kormeer kusoo samaynayay kaymaha, waxaana muuqaalka oo gaaban lagu shaaciyay barnaamij ka baxay telefishinka Brazil sannadkii 1998-dii.

Dadka u dooda xuquuqul insaanka waxay sheegeen inay ku farxeen inay dib u arkaan ninkan oo caafimaad qabo oo weli ku nool keligiis kaymaha dhexdooda.

Ninkan waxaa la sheegay inuu ku nool yahay ugaarsiga xayawaanada duur joogta ah iyo miraha dhirta qaar.

Laanta u qaabilsan ilaalinta nolosha dadka ku nool kaymaha ayaa sheegtay in ninkan uusan rabin inuu dad kale la xiriiro maadama uu horraan Waran ku dilay dad doonayay inay isaga la hadlaan.

Waxaa la sheegay in inta badan qoyskiisa la laayay intii u dhexeeysay sannadihii 1970-kii iyo 1980-kii kaddib markii dhul ay deganayeen ay dhexmartay waddo taaso dhalisay in dhulkooda xoog looga qaato.

Ganacsato iyo beeralay ayaa hadda doonaya inay la wareegaan kaymaha uu ku nool yahay ninkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here