Nin  la la’aa Oo u ololeeya xuquuqda aadanaha Pakistan oo gurigiisa dib ugu soo laabtay

0
646

Nin  la la’aa Oo u ololeeya xuquuqda aadanaha Pakistan oo gurigiisa dib ugu soo laabtay

Raza Khan saaxibkii ayaa wuxuu sheegay ”Nin u dhaqdhaqaqa xuquuqda aadanaha Pakistan oo muddo toddaba bilood ah la la’aa ayaa dib ugu soo noqday gurigiisa oo ku yaalla Lahore”..

Raza khan bishi decebmer ee sanadki hore waxaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Lahore ee waqooyiga dalka ku taalla ka kixeystay nin hubeysan oo aan haybtiisa la garan.

Maalinta ninkan la weynayo ayaa wuxuu boggiisa Facebook uu ku qoray farriin cambaareyn uuu soo jeediyey ciidamada Pakistan oo ku saabsaneyd iney ciidamada laftoioda ay xiriir hoose la leeyihiin kooxaha islaamiyiinta ee hubeysan.

Cidda sii deyntiisa ka dambeysay oo aan la ogaan haddana qoyskiisa iyo eheladiisaba waxay ka gaabsadeen iney wax ka yidhahdaan iyaga oo amnigooda u baqaya.

Jimchi, Mr Khan saaxibkii ayaa xaqiijiyey inuu saaxibkii isaga oo nabad qaba uu gurigiisa dib ugu soo laabtay iyada oo 10 maalmood ka horna la shaaciyey inuu imanayo isaga oo nabad qaba.

Hase ayeeshee booliska dalka Pakistan waa uu ka gaabsaday inuu wax ka yirahdo qabsashada iyo sii deynta ninkan labadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here