Aabe Iyo Carruurtiisa Oo Muddo 16 Sano Ah Kadib Kulmay+Xaggay Ku Kulmeen Iyo Sababta

0
620

Addisalem Hadigu oo ah saxafi u dhashay dalka Ethiopia ayaa 16 sano kadib dib ula midoobay labo gabdhood oo uu dhalay kuwaasoo ku noolaa dalka Eritrea.Asmera iyo Danait oo ah gabhaha uu dhalay Addisalem ayaa ku kulmay magaalada Casmara ee caasimadda dalka Eritrea.Saxafigan ayaa ka mid ahaa qoysas badan oo ay kala geeyeen 20 sano oo dagaal iyo colaad u dhaxaysay dalalka Itoobiya iyo Eratariya.Dib u kulmida qoyskan mudada dheer kala maqnaa ayaa noqday kulan farxad iyo oohin isugu jira. “Dhibaatadaydu way dhamaatay,waxaan la kulmay carruurteydii oo waan dhunkaday kuna qubay ilmo.”ayuu u sheegay saxaafada Addisalem.Labada gabdhood ee Addisalem oo aan mataano ahayn ayaa waxaa ay aabahood is waayeen sanadkii 2002 kadib markii ay hooyadood oo u dhalatay dalka Eritrea ay kala gudubtay xadka kala qeybiya Ethiopia iyo Eritrea.“Waxaan ahaa sida qof dhintey oo soconaya,nolosheydu qiimo ma lahayn,dhadhana ma lahayn. Xadka waxaa laga xirey dadka Itoobiyaanka ah oo kama gudbi karin.”ayuu yiri saxafiga dib ula midoobay caruurtiisa.Waxa uu saxafigani qayb ka ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradii ugu horreysay oo u kala gooshta magaalooyiinka casmara iyo Addis ababa. Shalay ayay ahayd markii duulimaadkiiugu horeeyay oo ka tagay Addis ababa uu gaaray magalada asmara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here