Wararkii u dambeeyey ee Suuqa Kala Iibsiga ciyaartooyada

0
884

Wararkii u dambeeyey ee Suuqa Kala Iibsiga ciyaartooyada

Laacibkii hore ee Manchester United, Wayne Rooney, oo dhawaan ka tegay kooxda Everton ayaa sheegay inuu go’aankaasi qaatay maadaama aanu dooneyn inuu waqtigiisa ku lumiyo kursiga keyka.

Rooney oo 32 jir ah ayaa u wareegay kooxda DC United, waxaana uu intaa ku daray in haddii xaaskiisa ay ka diiddi lahayd tegidda Maraykanka aanu halkaa u dhaqaaqi lahayn.

Waxa uu kooxdaasi Maraykanka ah la saxiixday heshiis 3 sano iyo bar ah.

Kooxda Liverpool ayaa lacag dhan 62 milyan oo Pound ku doonaysa goolhayaha kooxda Roma, Alisson, lacagtaasoo noqonaysaa tii ugu badneyd ee laga bixiyo goolhaye.

Roma ayaa doonaysa in lacagtaasi la gaarsiiyo 66 milyan oo Pound.

Alisson ayaa Brazil u dheelay Koobkii Adduunka ee maalma ka hor dhammaaday, Liverpool-na aad ayay ugu baahan tahay maadaama ay dhibaato weyn ka haysato xagga goolhaynta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here