Nin Soomaali-Maraykan Ah Oo Ku Eedeysan In Uu Doonayay In Uu Dilo Siyaasi Oo Mar Kale Maxkamadda La Soo Taagay

0
605

Nin Soomaali-Maraykan Ah Oo Ku Eedeysan In Uu Doonayay In Uu Dilo Siyaasi Oo Mar Kale Maxkamadda La Soo Taagay

(DLN-Nairobi)-Eedeysane Jamaal Maxamed waxa uu shalay ka soo hor muuqday Maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi, isagoo ku eedeysnaa Isku-day uu ku dili lahaa Siyaasi Somali-Kenyan bishii September 11-di iee sannadkii hore.

Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay i aanu haatan diyaar u ahayn inuu Maxkamadda soo hor dhigo caddaymaha ku aadan aanu gelin Dembiga lagu soo oogay, wuxuuna ku baaqay in la hakiyo Dacwadiisa.

Dhegeysigii ugu dambeeyey Maxkamadda waxa uu Eedeysanaha sheegay inuu u yeedhi doono 5 Markhaati si ay uga markhaati-kacaan aanu isagu gelin dembiga loo haysto.
Waxa uu Codsiga joojinta dhegeysiga Dacwadiisa sheegay, ka hor inta aanu Garsoore Eunice Kimaiyo ku dhawaaqin in aan Markhaatiyayaashiisa ku sugnayn gudaha Maxkamadda.

Dacwad-oogayaasha waxay ka hor yimaadeen Codsiga Eedeysanaha, iyagoo sheegay inuu qorsheynayo in Kiiskiisa dib loo dhigo.

Garsoore Eunice Kimaiyo waxay kaloo sheegtay in ay oggolaanayso Codsiga Eedeysanaha, maadaama ay tahay Dhegeysigii 1-aad ee Dacwadiisa.

Eedeysanah waxaa loo haystaa Isku-day la sheegay inuu ku dili lahaa Siyaasi lagu magacaabo Xuseen Maxamed, kaasi oo dhaawacyo culus soo gaadheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here