Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea

0
783

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goor dhow ka degay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, taasoo ah safarkii u horeeyay oo Mas’uul Itoobiyaan ah ku tago Eritrea muddo 20 sano ah.

Abi Ahmed ayaa booqashadiisa taariikhiga ah ay qeyb ka tahay dadaalada iyo is bedelada uu ka wado dalkiisa iyo gobolkaba.

Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Asmara Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo wafdiga uu hoggaaminayay, waxaana booqashada si toos looga daawanayay Telefishinka dalkaas.

Tani ayaa calaamad u ah bilowga xiriirka labada dal iyo soo afjarida colaadii u dhaxeysay, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu qaaday tallaabooyin aanay madaxdii ka horeysay aanay qaadin.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhaxeeyay colaad socotay muddo 20 sano, iyagoo ku muransanaa deegaanka Badame oo horay Qaramada Midoobey ugu xukmisay Eritrea, hase ahaatee Itoobiya ay diiday, waxaana Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu dhowaan aqbalay heshiiskaas, taasoo u gogol xaartay isu soo dhowaanshaha labada dal iyo soo afjarida colaadii labada dal u dhaxeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here