Dowladda Itoobiya oo askar iyo saraakiil u xirtay qaraxii shalay ee Addis Ababa

0
952

Dowladda Itoobiya oo askar iyo saraakiil u xirtay qaraxii shalay ee Addis Ababa

 

Warbaahinta Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in la xirxiray illaa 12 ruux oo sagaal ka mid ah ay ahaayeen askar iyo saraakiil ciidan, kuwaasoo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay fagaaraha Meskel ee magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu ka socday banaan bax lagu taageerayay qorshaha is bedelka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Saraakiisha la xiray ayaa loo heystaa inay ka hortagi waayeen ka hor inta uusan qaraxa dhicin, waxaana ku jira Taliye kuxigeenka Booliska dalka Itoobiya.

Waxaa dadka loo xiray qaraxa ku jira saddex ruux oo labo ka mid ay yihiin haween, kuwaasoo laga qabtay goobta qaraxa ka dhacay.

Ammaanka Itoobiya ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana laamaha sirdoonka ay qaadeen tallaabooyin kala duwan, iyadoo hawada laga saaray Telefishino dhowr ah oo gudaha dalkaas ka howl galayay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa booqday Isbitaalada la geeyay dhaawacyada tobanaan ruux, waxaana dadka qaar ku jira kuwo dhaawacooda culus yahay.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa la jiray Itoobiya is bedelo, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo la yimid siyaasad furfuran oo uu wax kaga bedelay hab dhaqankii siyaasadeed ee dalkaas, waxaana xabsiyada laga sii daayay boqolaal maxaabiis oo siyaasadda u xirnaa, sidoo kale telefishin iyo shabakado internet ayaa laga qaaday xayiraada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here