Mareykanka oo sheegay in Diyaaradaha Ruushka & Shiinaha ay kusoo xad-gudbeen Hawadiisa

0
33

Mareykanka oo sheegay in Diyaaradaha Ruushka & Shiinaha ay kusoo xad-gudbeen Hawadiisa

War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Maraykanka ayaa lagu cambaareeyay tallaabo si wadajir ah u sameeyeen Diyaaradaha Dagaalka Ruushka & Shiinaha oo ku xadgudbay Hawada Dalkaas sida hadalka loo dhigay.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa tilmaamay in tallaabadaan ay tahay mid xadgudub ah kuna sifeen karo daan-daansi meel la isaga dhigayo xeerarka caalamka ee xeendaabayo Dal weliba.

Diyaaradahaan Dagaalka ayaa lagu arkay qayb kamid ah Hawada Gobolka Xeebta leh ee Alaska inkasta oo aanay jirin waxyeello ama wax kale oo ay sameeyeen oo laga soo diiwaangeliyay lana soo gudbiyay balse Maraykanka ayaa afka furtay oo ka hadlay Arrintaan.

Lloyd Austin ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Xuduudaha & Hawada Maraykanka heegan buuxa ay ku jiraan marweliba kana falceliyeen arrintaas iyaga oo si degdeg ah u horjoogsaday halista ka imaan kartay sida hadalka loo dhigay.

Xiisadda u dhaxeysa Ruushka & Shiinaha oo Dhinac ah iyo Dalka Maraykanka ayaa sanadihii u dambeeyay gaartay meel halis ah iyada oo laga digayo in uu dagaal toos ah dhexmaro Saddexdaan waddan ee Xubnaha joogtada ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.