Dad badan oo ku geeriyooday dooni kula degtay xeebaha dalka Mauritania

0
36

Dad badan oo ku geeriyooday dooni kula degtay xeebaha dalka Mauritania

Ugu yaraan 15 qof ayaa dhimatay in ka badan 150 kalena waa la la’yahay ka dib markii doon ay saarnaayeen 300 oo rakaab ah ay ku dagtay meel u dhow caasimadda Mauritania ee Nouakchott.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in doonida ay muddo toddobo maalmood ah ku jirtay badda ka hor inta aysan gadoomin.

Doonta ayaa ka timid dalka Gambia, waxaana saarna dad badan oo ka yimid galbeedka Afrika, isla markaasna doonayay in ay u tahriibaan qaaradda Yurub.

Weli waxaa socda dadaalada lagu baadi goobayo dadka ka badan 150 oo la la’yahay, lagana cabsi qabo in ay biyaha badda ku geeriyoodeen.

Waxaa sii kordhaya dadka tahriibaya ee maraya badda Atlantic, In ka badan 19,700 oo qof ayaa gaadhay jasiiradaha Canary intii u dhaxaysay Janaayo 1 iyo Luulyo 15, 2024.