Xamaas & Fatax oo 18 sano kaddib ku heshiiyay in ay awooddooda mideeyaan

0
35

Xamaas & Fatax oo 18 sano kaddib ku heshiiyay in ay awooddooda mideeyaan

Magaalada Beijing caasimadda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha waxaa kusoo gabagaboobay heshiis is afgarad kusoo dhammaaday oo dhexmaray wakiillo ka kala socday dhaqdhaqaaqa Falastiin ee Xamaas & Fatax si ay awooddooda dhan weliba ah u mideeyaan.

Xamaas & Fatax oo kala siyaasad ahaa tan iyo sanadkii 2006dii ayaa ugu dambeyn laabta isku geliyay in dhinac weliba ka tanaasulo tabashada uu qabo maadaama ciidanka Cadawga ah ee Yuhuudda ay ka faaiideysanayaan kala qubqubkooda.

Saddexdii cisho lasoo dhaafay waxa ay isla meel-dhigayeen axdiyo ay ku midoobi karaan si ay uga dhiidhiyaan dhibaatooyinka xooggan ee lagu hayo Shacabka ay metalaan oo maalin weliba ciidanka Israaiil tarab-tarab u laayaan.

Dowlad dib u heshiisiin qaran ah oo ku meel gaar ah ayay ku heshiiyeen in ay dhisaan si bulshada Falastiiniyiinta ah looga qaybgeliyo Talada & soo jeedintooda si loo xoojiyo rajada ah in la helo Dowlad Falastiin leedahay oo caasimadeedu Qudus tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in Dalkiisa uu uga mahadcelinayo Wakiilladaan sida dhammeystiran isku fahmay una go’aansaday in ay laabaan bogga mad-madowga siyaasadeed ee ka dhaxeeyay sanadihii u dambeeyay.