Dadka ku dhintay Dhul go’a ka dhashay Roobka Xooggan ee ka da’ay Itoobiya oo sii kordhay

0
55

Dadka ku dhintay Dhul go’a ka dhashay Roobka Xooggan ee ka da’ay Itoobiya oo sii kordhay

Waxaa sii kordhay tirada Dadka ku dhintay Dhul go’a ka dhacay Dalka Itoobiya ee ka dhashay Roob Xooggan oo ka da’ay Dalkaas kaddib markii qaar kamid ah Dadkii gurmadka fidinayay oo qudhooda dhulku la go’ay.

In ka badan 230 ruux ayaa haatan diiwaangashan in ay ku dhinteen dhul go’a ka dhacay Dalka Itoobiya sida uu kusoo warramay Afhayeenka Maamulka Degmada Gofa ee Ismaamulka Gobolka Koofureed Kassahun Abayneh oo la hadlay Wakaaladda wararka Reuters.

Waxaa weli la baadi-goobayaa dad kale oo la waayay kuwaas oo qayb ka ahaa Gurmadka Degdega ah balse qudhooda uu dhulka la go’ay inkasta oo aan lahayn tiradooda inta ay gaarsiisan tahay iyo goobta sida gaarka ah ee mashaqadu ku heshay.

Madaxda Waaxda Misoobiyinka Qaran ee magaalada Gofa, Markos Melese ayaa isna Rueters u sheegay in weli raadinayaan Meydadka Dad horlhe isla markaana xaaladdu sii adkaatay kaddib markii kooxaha Gurmadka qudhooda dhibaatadu gaartay.