Donald Trump oo markale Haweeney kula loolamaya Doorashada Madaxweynaha 47aad ee Mareykanka

0
37

Donald Trump oo markale Haweeney kula loolamaya Doorashada Madaxweynaha 47aad ee Mareykanka

Madaxweynihii 45aad ee Dalka Maraykanka Donald Trump oo loolan adag ugu jira Doorashada Madaxtinimo ee dhaceysa 5ta Nofeembar 2024 ayaa dib u milicsanaya Doorashadii uu galay sanadkii 2016 kana guuleystay Haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton.

 

2024 waxa uu markale la tartamayaa Haweeneyda haatan Madaxweyne ku xigeenka ka ah Dalka Maraykanka ee Kamala Harris kaddib markii Xisbigeeda Dimuqraatiga u xushay in ay buuxiso Booskii sida lama filaanka ah ugu banneeyay Joe Biden.

 

Donald Trump ayaa durba la billaabay in loosii saadaaliyo in uu xilkaan ku guuleysan karo maadaama marka codbixintu miiska timaado Rag & Dumar aanay looga baran in Haweeneydu guusha gaarto inkasta oo aanay si dhab ah sababtaas loo helin.

 

Dadka ku doodaya arrintaan waxa ay tusaale ka dhiganayaan sanadkii 2016kii ka taageero badnayd Donald Trump balse uu ku garaacay Gobolladii loo badinayay in ay ka heleyso codad badan kuna gaari karto in ay qabato xilka Madaxweynaha Maraykanka balse ma dhicin.

 

Trump oo ah Nin af-miishaar ah oo marka tartanka yimaado isku mid u wajaha Ragga iyo Dumarka ayaa indhaha la raacayo waxa ay lasoo shirtagto Kamala Harris oo maanta billaabeysa loolankeeda ugu horreeya iyada oo buuxineysa Booska uu Joe Biden Banneeyay.