Joe Biden oo xaalka kusii xumaanayo isna adkeenaya !

0
50

Joe Biden oo xaalka kusii xumaanayo isna adkeenaya !


HomeNEWSJoe Biden oo xaalka kusii xumaanayo isna adkeenaya !
NEWS
Joe Biden oo xaalka kusii xumaanayo isna adkeenaya !
by Cabdi CadeJuly 21, 20240503
SHARE0

In kastoo deeq-bixiyeyaasha waaweyni ay ka caga jiidayaan in ay sii wadaan dhaqaalaha ay siiyaan ololihiisa ayna in badan oo ka mid xisbiga dimuqraadiga si cad u sheegeen in rajadiisa ku guuleysiga doorashada November ay sii yaraanayso, haddana madaxweyne Joe Biden ma muujin inuu tartanka ka harayo.

“Waxaan rajeynayaa in aan toddobaadka soo socda dib ugu soo laabto ololaha doorashada,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

Biden ayaa ku jiraa “tartanka waxaana uu ugu jiraa in uu ku guuleysto,” ayuu bayaan uu soo saaray ku yiri Dan Kanninen, oo ah agaasimaha ololaha doorashada Biden ee qaabilsan gobollada sida weyn loogu loollamo. Waxa uu intaa ku daray in Biden uu yahay “qofka ay u badan tahay in uu noqdo musharraxa xisbiga uusanna jirin qorshe qof baddala lagu magacaabayo.”

“Waxaa la gaaray waqtigii aan joojin lahayn dagaalka dhexdeenna ah,” Kanninen ayaa yiri. “Markaan aan dagaalanno qofka kaliya ee guulaysanaya waa Donald Trump.”

Weli, haddii Biden uu ka haro tartanka, Dimuqraadiyiintu waa in ay si dhakhso ah u go’aansadaan cidda noqon doonta musharraxa xisbiga iyo sida lagu soo xulayo.

Mid ka mid ah waxa suurtagalka ah ayaa ah in Biden uu taageero musharrax kale oo uu weydiisto ergooyinka xisbiga Dimuqraadiga in ay codadkooda u weeciyaan musharrax kale marka ay ku kulmaan bisha soo socota Shirweynaha Qaran ee Dimuqraadiga (DNC) ee magaalada Chicago ee gobolka Illinois.

“Waxaa laga yaabaa in ay jiraan xoogaa gorgortan ah haddii Joe Biden uu go’aansado in uu ka haro tartanka oo, laga yaabee in ugu yaraan uu dhiirigelin karo ama taageeri karo amaba isku dayo in madaxweyne ku-xigeenka [Kamala] Harris ay noqoto musharraxa,” ayuu yiri John C. Forier, oo ka tirsan Machadka the American Enterprise Institute.

Laakin, ergada ayaan ku qasbaneyn in ay ku raacaan, sida uu Fortier u sheegay VOA. “Ma jirto dammaanad buuxda ama qaab sharci ah oo uu taageeradiisa ugu wareejin karo.”

Sidaas oo ay tahay, haddana Harris ayaa noqon doonta qof si degdeg ah ku hesha codadka ergooyinka. Waxa ay hadda tahay qofka koowaad ee baddalaya madaxweynaha. Magacaabista qof dumar ah oo madow ah ayaa sidoo kale gacan ka geysan karta xaqiijinta codadka bulshada Afrikaan Ameerikaanka ah, oo ah unugga udub-dhexaadka u ah taageerada Xisbiga Dimuqraadiga.

Fagaarayaasha waxa ay daacad u tahay Biden. “Joe Biden waa musharraxeena,” ayay tiri horraantii bishan. “Mar ayaan ka badinay Trump, mar labaadna waanu ka badineynaa.”

Maadaana ay ku jirto tigidka Biden-Harris, Harris ayaa macno dhaqaale sameyn doonta. Marka loo eego shuruucda maaliyadeed ee ololaha, Harris waxa ay xaq u leedahay in ay isticmaasho dhaqaalaha ololaha Biden-Harris u soo xarooday, kaasi oo ah ilaa $91 milyan, sida ku cad warbixintoodii ugu dambaysay ee bishii June.

58 boqolkiiba Dimuqraadiyiinta waxa ay rumeysan yihiin in Harris ay noqon doonto madaxweyne wanaagsan, sida lagu ogaaday ra’yi ururin cusub oo ka timid Xarunta Cilmi-baarista Arrimaha Bulshada ee AP-NORC, iyadoo qiyaastii 30% dadweynaha guud ahaan ay sidaasi oo kale qabaan. 43 boqolkiiba dadka waaweyn ayaa fikrad wanaagsan ka qaba Harris, oo ay ku jiraan 74% Dimuqraadiyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Dimuqraadiyiinta ayaa laga yaabaa in ay sidoo kale rabaan in ay ka fogaadaan muuqaalka aan dimoqraadiyadda ahayn ee si toos ah loogu dhawaaqi karo Harris in ay tahay qofka beddelaya Biden, gaar ahaan haddii musharraxiin kale ay isku soo sharraxaan magacaabista.

Haddii uu madaxweynuhu tartanka ka harayo, Dimuqraadiyiintu waa in ay si degdeg ah u ogaadaan cidda beddelaysa iyo cidda ay u badan tahay in ay ku guulaysato doorashada, ayuu yidhi Larry Sabato, oo ah maamulaha Xarunta Siyaasadda ee Jaamacadda Virginia.

“Taasina waa in ay noqotaa isla qofka,” ayuu u sheegay VOA. “Waxaa su’aal kale ah haddii ay ku samayn karaan wakhtiga loo oggol yahay – oo ah bil.”

Shirweyne furan ayaa macquul ah

Shirweynaha bisha soo socota ee xisbiga Dimuqraadiga (DNC) ayaa noqon kara shirwayne furan, halkaasi ergadu ay ku magacaabaan qof aan ahayn Biden. Waxa ay noqon doontaa shirweyne lagu tartamayo haddii ay jiraan wax ka badan hal musharrax oo u taagan in uu noqdo musharraxa xisbiga.

Shirweyne lagu tartamo ayaa keeni kara buuq iyo kala qaybsanaan, waana midda ay Dimuqraadiyiintu rabaan in ay ka fogaadaan laba bilood ka hor doorashada.

Haddii uu jiro tartan furan, magacyada la hadal hayo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha California Gavin Newsom, Guddoomiyaha Pennsylvania Josh Shapiro iyo Guddoomiyaha Michigan Gretchen Whitmer.

Shirweynaha ayay Dimuqraadiyiintu sidoo kale ku go’aansanayaan cidda noqoneysa madaxweyne ku xigeen, oo ah hab kale oo abuuri kara farxad iyo kala qaybsanaan labadaba.

Kahor doorashooyinka November, taasi ayaa ah qas xooggan oo haysta dimuqraadiyiinta.

Marar kala duwan ayuu Biden sheegay in natiijada ugu xun ee saadaallada ay sababi karto in uu ka haro tartanka, ama haddii ay jirto “xaalad caafimaad oo la soo derista,” ama haddii “Rabbiga Qaadirka ah uu u sheego” inuu sidaasi sameeyo.

Madaxweynaha ayaa go’doon ku ah gurigiisa fasaxa ah ee gobolka Delaware, ka dib markii toddobaadkan laga helay COVID-19.

Source Voa