Taliyaha NISA Mahad Salaad oo maanta xilka laga qaadayo iyo Shaqsiga lagu bedeli doono

0
75

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in shirka golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya yeelanayaan xilka looga qaado taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in taliye Mahad Salaad uu isagu gudbiyay warqada iscasilaada, waxaana la filayaa in golaha wasiiradda ansixiyaan shaqo ka tagistiisa ayna magacaabaan shaqsiga badeli lahaa.

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa wararku sheegayaan in mar kale xilkan loo magacaabi doono, waxaana la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh soo gudbiyay in Sanbaloolshe xilkaasi qabto.

Mahad Salaad ayaana wararku sheegayaan in Villa Soomaaliya la dooneyso in laga dhigo Madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoona shaqo katigistiisa kaddib uu bilaabi doono olole uu kursigaasi ugu sii diyaar garoobayo.

Taliyaha NISA ee maanta shaqada ka tagaya ayaa lagu ammaanay intii uu joogay in uu wax badan qabtay, waxa ayna Sirdoonka Soomaaliya ku guuleesteen wax ka qabashada iyo fishilinta dhagaro badan ay maleegeen kooxaha nabbad diidka ah.