Nin hal maalin wada guursaday 7-xaas una hibeeyey min hal gaari oo Cusub

0
138

Ganacsade u dhashay dalka Uganda oo lagu magacaabo Ssaalongo Hajj Abdul Nsikonenne Habib Ssezzigu waxa uu bishan September 10-dii hal maalin wada guursaday 7 Haween oo 2 ka mid ah la sheegay inay yihiin Gabdho Walaalo Laxmi ah (biological sisters) oo isku Aabe iyo isku Hooyo ah.

Xaflad Wadareedka Nikaaxaasi waxa maalintii Axadda ee isbuucan lagu qabtay Tuullada Bugereka ee Degmadda Mukano ee dalka Uganda, iyadoo Haweeney kasta magaceeda lagu xardhay Kursi iyo Saxan u gaar ah.

Xaasaska uu Ganacsadaha isku xilliga nikaaxsaday waxaa magacyadooda lagu soo koobay: Mariam, Madinah, Aisha, Zainabu, Fatuma, Rashida iyo Musanyusa oo ah Xaaskiisa Koowaad oo ay isla joogeen muddo 7 sano ah.

Xafladda Nikaaxa oo bilaabantay 8-dii Aroornimo waxaa la soo gebegebeeyey Xilli Casir-liiq ah oo uu Gabalku sii dhacayo.

Ganacsadaha Taajirka ee lagu magacaabo Ssaalongo Hajj Abdul Nsikonenne Habib Ssezzigu waxa uu Xaasaskiisa mid mid ugu hibeeyey Gaari Cusub oo nooca Raaxada, iyadoo Haweeney kasta lagu wareejiyey Furaha iyo Dukumentiga Gaariga sida Khaaska loo siiyey.

Caruuska iyo Xaasaskiisa waxay wada raaceen Gaari nooca dusha ka furan, wuxuuna ku soo wareejiyey Waddooyinka muhiimka ee dhex mara Degmooyinka Kalagi, Kasana iyo Nakifuma, ka hor intaysan si wadajir u wada tegin Guriga loogu talagaly 6-dii Fiidnimo.

Caruuska waxa uu sheegay inuu Haween kale soo guursan doono Mustaqbalka, maadaama uu weli Dhallinyaro yahay.

Dhanka kale, Caruuska Aabihiisa oo lagu magacaabo Hajj Abdul Ssemakula waxa uu bogaadiyey Wiilkiisa oo uu sheegay inuu jebiyey Rikoodha Guurka ee Guud ahaan dalka Uganda in Xaasas badan isku mar la wada guursado.

Aabaha waxa uu tilmaamay inay Qoyskiisa dhaxal u lahaayeen Guurka badan, isagoo xusay inuu isagu 4 Xaasle yahay, balse uu Aabihiisa 5 Xaasle ahaa, halka Awoowgiisa uu 6 Xaas ku wada qabay Hal Guri.

Ganacsadaha Reer Uganda ee la sheegay inuu 7 xaas hal mar wada guursaday waxa muuqata inuu tallax tegay.

Si kastaba, ma aha wax Shareecada Islaamka waafaqsan inuu Ninka Muslimka ah markiiba wada guursado wax ka badan 4 Xaas, wuxuuna Ganacsadahaasi ka tallaabay Xadkii uu Rabbi SWT u jideeyey Ragga Muslimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here