Mareykanka Iyo Kenya Oo Kulan Ka Yeelanaya Arrimaha Amniga Dalal Ay Ku Jirto Somalia

0
333

Mareykanka Iyo Kenya Oo Kulan Ka Yeelanaya Arrimaha Amniga Dalal Ay Ku Jirto Somalia

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa lagu wadaa in 15-ka bishaan November oo ku beegan Isniinta soo socota uu socdaal ku tego Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowladda Maraykanka Antony J. Blinken, sida uu qorshahu yahay.

Ujeedka Xoghaye Antony J. Blinken ee Kenya ayaa waxaa uu yahay sidii uu kulami lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayihiisa arrimaha dibadda, Raychelle Omamo, iyagoona ka wada hadli doono Arrimo kala duwan iyo kuwo qorsheysan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa kulankooda uga wada xaajoon doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu Mareykanka la leeyahay Kenya.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa markii ay kulmaan ka wada Arrinsan doona wax ka qabashada arrimaha amniga dalalka Gobolka sida Somalia, Itoobiya iyo Suudaan, waxaana la filayaa in Mareykanka ku dhawaaqo taageeradiisa ku aadan doorashada Kenya ka dhaceysa sanadka soo socda ee 2022.

Dowladda Mareykanka iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed, waxaana Mareykanka uu Saldhig weyn oo Milateri ku leeyahay dalkaas, lagana maamulo howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here