Wasiir Carbeed oo Xilkiisi Ku Waayay Waraysi ka Cadhaysiiyay Wadamada Khaliijka oo uu Bixiyay

0
335

Wasiir Carbeed oo Xilkiisi Ku Waayay Waraysi ka Cadhaysiiyay Wadamada Khaliijka oo uu Bixiyay

Sharbal Wahba Wasiirka arrimaha dibedda ee Lubnaan, , ayaa iska casilay xilkiisa kadib cadaadis xooggan oo ka dhashay waraysi uu kulul oo uu ku weeraray dalalka Khaliijka.

Sharbal Wahba oo ka tirsan xukuumadda xil-gaarsiinta Lubnaan ayaa waraysiga uu Isniintii siiyay telefishinka Al-Xurra waxa uu ku tilmaamay in dalalka Khaliijka ay gacan ka geysteen hanaqaadkii ururka Daacish.

Sacuudi Carabiya, Kuweyd, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta ayaa dhammaan u yeeray safiiradda Lubnaan u fadhiya caasimadahooda, waxaana ay u muujiyeen cabashadooda ku aaddan hadalka wasiirka.

“Dalalka aan jaceylka, saaxiibtinnimada iyo walaaltinnimada wadaagno ayaa keenay Daacish. Waxa ay noogu beereen banka Ninawa, Anbar iyo Palmyra,” ayuu yiri wasiirku.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Sacuudiga ayaa sheegtay in hadalka wasiirku uu meel ka dhac ku yahay nidaamka diblomaasiyadda, uuna weerar cad ku yahay Boqortooyada.

Hadalka wasiirka ayaa khalkhal geliyay dedaallada ay Lubnaan ku dooneyso in ay ku wanaajiso xiriirka kala dhexeeya waddamada Khaliijka oo mar ahaa kuwa dhaqaalaha ugu badan ku bixiya dalkaas la liicaya sicir bararka xooggan.

Dalalka Khaliijka ayaa ka cago jiidaya taageradii ay siin jireen lubnan iyaga oo ka cabsi qaba saamaynta sii kordhaysa ee Xisbulah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here