Xaalad Deg-deg ah Oo Lagu soo Rogay Qaar Ka Mid Ah Magaalooyika Yuhuuda

0
291

Xaalad Deg-deg ah Oo Lagu soo Rogay Qaar Ka Mid Ah Magaalooyika Yuhuuda

Maamulka Yahuuda Israa’il ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay magaalada bartamaha dhacda ee Lod, kadib markii magaaladaasi madaafiic xoogan ku garaaceen dagaalyahanada gobanimo doonka ee Reer Falastiin.

Xaalada deg dega ah ee lagu soo rogay magaalada Lod ayaa sidoo kale sabab looga dhigay dibad baxyo xoogan oo magaaladaasi ka wadaan Carabta Israa’iil , waxaana maamulka magaalada soo rogeen xaalad deg deg ah oo ka dhashay duqeynta iyo dibad baxyada.

Magaalada Lod waxaa ku dhintay aabe iyo gabar uu dhalay kadib markii gaari ay wateen uu ku dhacay madfac laga soo tuuray magaalada Gaza, waxaana magaaladan hada ka taagan xaalad cabsi ah oo ka dhalatay Duqeynta Falastiin kaga imaaneysa.

Dagaalyahanada Falastiin oo ka jawaabayay duqeymo culus oo Israa’il ku garaacday Gaza ayey dhankooda in ka badan 130-gantaal ku garaaceen magaalooyin kuyaala Israa’il, waxaanma madaafiicdaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here