Xildhibaanada Somaliland Oo Ansixiyay Xubnihi Komishanka Ay Horey U Diideen

0
350

Xildhibaanada Somaliland Oo Ansixiyay Xubnihi Komishanka Ay Horey U Diideen

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa Maanta waxaa kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland,

Ajendaha kulankaas Golaha Wakiilada ayaa waxaa uu ahaa Ansixintia labada xubnood ee Guddida doorashooyinka ee xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, kuwaasi oo horey loo diiday ansixintooda.

Intaas kadib Xildhibaanada Somaliland ayaa Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Labadii xubnood ee Mucaaradka umatalayay Komishanka Doorashooyinka ee UCID iyo Waddani.

Maxamuud Siciid Dalmar oo ka socday Xisbiga waddani ayaa waxaa u Codeeyay 51 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid aamusay, iyadoona sidaasna lagu ansixiyay.

Sidoo kale Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo isna ka socday Xisbiga UCID ayaa waxaa ogolaadey 49 Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan diiday, halka ay ka aamuseen Codeynta saddex Xildhibaan.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa 28-kii bishii Maarso 2020 waxaa ay diideen ansixinta xubnaha ay Xisbiyada Wadanni iyo UCID u soo magacaabeen Doorashooyinka Somaliland, hayeeshee ugu dambeyn Maanta ayay ansixiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here