Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal Kasoo Yeeray Dowladda Somalia

0
443

Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadal Kasoo Yeeray Dowladda Somalia

Xukuumadda Somaliland ayaa ka Jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawada ee uu kaga hadlay Arrinta shirkadda DP World, isla markaana uu sheegay xiligaan la joogo waqtigii dalka laga difaaci lahaa shirkaddaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo luuqada Carabiga ku qornaa ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin hadalkii kasoo yeeray Wasiir Cawad uuna yahay mid khalkhal gelin lagu samaynayo xiriirka Somaliland iyo Imaaraadka.

Somaliland aya ku eedeeysay dowladda Soomaaliya inay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo halkaas.

Si kastaba hadalka Somaliland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo Wasiir Cawad uu sheegay in dowladda ay u dul-qaadatay faragelinta shirkadda DP-world, hayeeshee intaas ka badan dowladda aysan u dul qaadan doonin, la iskana difaaci doono.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Somaliland.

Somaliland waxa ay ka xuntay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee nuxurkiisu ahaa iska horkeenka iyo khalkhal galinta xiriirka labada wadan ee walaalaha ah ee Somaliland iyo Imaaradka Carabta.

Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin.

Somaliland waa dal madaxbannaan oo aan wax xiriir ah la lahayn Soomaaliya, wakhti xaadirkana ma jiraan wax is fahan ah ama wadahadallo ah oo u socda Somaliland iyo Soomaaliya madaama oo aannu maamulka Muqdisho ka jiraa ahayn maamul masuul ah, isla markaana aannu daacad ka ahayn wadahadallo midho dhal noqda oo ay labada dal ku kala baxaan.

Ugu dambeyn Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here