Guddoomiyihii Golaha Aqalka Sare Ee Itoobiya Oo Is Casishay

0
433

Guddoomiyihii Golaha Aqalka Sare Ee Itoobiya Oo Is Casishay

Guddoomiyihii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Itoobiya Keriya Ibraahim ayaa ku dhawaaqday inay xilka Guddoomiyihii Baarlamaanka dalkaas iska Casishay.

Keriya Ibraahim ayaa is casilaadeeda ka shaacisay Telefishinka Tigrayga ee Magaalada Mekelle, kadib markii ay wareysi kooban siisay, In kastoo aysan ka hadli sababta keentay is Casilaadeeda, balse ay tilmaamtay inay Go’aan gaartay oo kaliya.

Sidoo kale Guddoomiyihii Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya ayaa Xildhibaanada ku eedeeysay inay ku xad gudbiyeen Dastuurka una dhaqmeyn si aan wanaagsaneyn , isla markaana aysan dooneyn in la shaqeyso.

Keriya Ibraahim ayaa laba sanno heysay xilka Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya, iyadoona xubin ka ah Xisbiga Tigrayga ee TPLF.

Si kastaba maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Aqalka Sare ee Itoobiya doortaan Guddoomiye Cusub oo bedelaya Keriya Ibraahim oo xilkaas is Casishay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here