Maxaad ka taqaan ‘halyeyga sida Mucjisada ah’ Tottenham ugu gudbiyay Fiinaalka Champions League-ga?

0
558

Maxaad ka taqaan ‘halyeyga sida Mucjisada ah’ Tottenham ugu gudbiyay Fiinaalka Champions League-ga?

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa xalay si ay dad badan mucjiso ku tilmaameen u so oaf jartay rajadii heersa sare ahayd ee ay kooxda Ajax ka qabtay inay gaarto Fiinaalka tartanka loo wada loollamo ee Champions League-ga.

Laba kooxood oo ku sugnaa garoonka kooxda Ajax Amisterdam ayaa ciyaarayay lugtii labaad ee Semi fiinaalka, waxaana rajo fiican qabtay Ajax oo lugtii hore kusoo badisay 1-0, isla markaana 2 gool oo kale ku hoggaamineysay ciyaarta lugta labaad ilaa daqiiqaddii 55-aad.

Qeybtii dambe ayey Tottenham u muuqatay inay hurdada ka kacday, waxaana saddex gool oo ay guusha ku raacday u dhaliyay ciyaartoygooda Lucas Moura.

Waa kuma Lucas Moura?

Lucas Moura waxa uu ka ciyaaraa garabka midig ee weerarkaLahaanshaha sawirkaBBC SPORT
Image captionLucas Moura waxa uu ka ciyaaraa garabka midig ee weerarka

Lucas Rodrigues Moura da Silva oo si weyn loogu yaqaanno Lucas Moura waa ciyaaryahan u dhashay dalka Brazil, wuxuuna ka ciyaaraa garabka midig ee weerarka.

Waxa uu magaalada São Paulo ee dalka Brazil ku dhashay 13-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1992-kii, waana 26 sano jir.

Dhirirkiisu waa 1.72 m (5 ft 8 in)[2]

Sannadkii 2018-kii ayuu ku biiray Tottenham, wuxuuna markaas kasoo wareegay kooxda Paris Saint-Germain ee ka dhisan dalka Faransiiska.

Ajax ayaa horay wacdaro uga soo dhigtay tartanka, iyagoo kasoo reebay kooxihii ugu waaweynaa ee looga cabsi qabay.

Tottenham ayaa la xasuustaa inay si dirqi ah ugu soo baxday Semi fiinaalka tartankan, kadib markii ay si cajiib ah kusoo reebtay kooxda Manchester City.

Dhanka kale, weeraryahanka Tottenham, Harry Kane ayaa rajeynaya inuu ciyaari doono kulanka fiinaal-ka Champions League-ga ee ay kooxdiisa foodsa ku dari doonto Liverpool, 1-da bisha soo socota ee June.

Kane oo bil ka hor uu dhaawac xooggan ka soo gaaray anqowga, ayaa si wanaagsan usoo kabanayay todobaadyadii dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here