Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar oo wada hadal dhinaca Taleefanka dhex maray

0
608

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar oo wada hadal dhinaca Taleefanka dhex maray

Wakaalada wararka u faafisa dowladda Qadar ee Qatar News Agency ayaa sheegtay in wadahadal dhinaca Talefoonka ah ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani.

Labada mas’uul ayaa wadaahalkooda oo dhacay fiidnimadii habeenka Talaadada ee xalay waxa uu la xiriiray Salaan iyo isu hambaleynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo maalinimadii Isniinta ee todobaadkan bilaabatay.

QNA ma bixin faahfaahin intaasi dhaafsiisan oo ku aadan hadii uu jiro arrimo kale oo ay isla soo qaadeen Farmaajo iyo Tamim, balse wadahadalkooda waxa uu ku soo beegmay iyadoo maanta maalinkii 4-aad uu galay shirka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo aan wali loo kala kicin.

Inta uu socday wada hadalka hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Qatar waxaa hakad ku jiray shirka Garowe, maadaama buuq uu ku soo dhamaaday kulan gaar ahaa oo dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Farmaajo iyo Xaaf, waxa ay isku qabteen mudo xileedka madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug, iyadoo Villa Somaliya ay rumeysan tahay in mudo xileedka Xaaf uu ku egyahay 4-ta bisha July, halka Xaaf uu ku doodayo in mudo xileedkiisa uu ka bilaabanayo markii la mideeyay maamulkiisa iyo kii Ahlu-Suna.

Si kastaba, majirto wali wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo la xiriirta wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qadar Tamim bin Hamad Al Thani.

Qatar oo galaangal ku leh Siyaasada gudaha ee Soomaaliya ayaa taageero dhinacyo kala duwan leh siisa dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana horaantii sanadkan ku deeqday lacag gaareysa 20 milyan oo ah Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here