DAAWO : Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibeda Ee Dalka Masar

0
567

DAAWO : Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibeda Ee Dalka Masar

Hargeysa (Dalmar-News):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda dalka Masar, Mr. Xamdi Sanad Luza oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Masar, taariikhda faca-weyn ee ay wadaagaan labada dal, arrimaha ganacsiga, xoolaha iyo kalluunka, waxbarashada iyo isdhex-galka xidhiidhka labada shacbi.

Image may contain: 1 person, mountain and outdoor

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu uga mahadnaqay dawladda Masar taageerada ay Jamhuuriyadda Somaliland ka siiso waxbarashada gaar ahaan dhinaca macalimiinta u hagarbaxday sidii ay ardayda Somaliland wax u bari lahaayeen.

Image may contain: one or more people, people standing, suit and outdoor

Waxaana Kulankaa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada horumarinta caafimaadka, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Image may contain: 9 people, people standing and outdoor

Dhinaca weftigana waxa wasiir ku xigeenka ku wehelinaayey, safiirka dalka aynu jaarka nahay u fadhiya Masar, Amb. Maxamed Nasr iyo kaaliyaha wasiirka arrimaha geeska ee dalkaasi Masar, Amb. Mohamed Karim Sharif. Waxaanay weftigu dalka ku sugnaan doonaan maalmo kooban iyagoo booqan doona goobo kala duwan oo muhiima.

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 1 person, standing and shoes
Image may contain: 1 person, standing and indoor

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here