Dheemanki labaad ee dunida ugu weynaa oo la helay

0
767

Dheemanki labaad ee dunida ugu weynaa oo la

Dheemanki labaad ee dunida ugu weyna ayaa laga helay goob dheemanka laga soo saaro oo ku taallo dalka Botswana.

Dheemanka la helay oo cabbirkiisu gaarayo 1,758 kaaraat wuxuuna xajmi ahaan uu gaarayaa kubadda Teeniska lagu ciyaaro.

Dheemanka ugu weynaa ee dunida laga helana wuxuu cabbirkiisu gaarayey 3,106 kaaraat, dheemankaasi oo laga helay Koonfur Afrika sanadka marka uu ahaa 1905-tii.

Waxaana dheemanka dunida ugu weynaa Koonfur Afrika laga helay xilli ay waxsoosaarka macdinta qaaliga dunida ay aad ugu hormarsaneyn.

Sanadihi la soo dhaafay waxaa soo badanaa dheeman waaweyn oo aan horay dunida looga baran in meela badan oo macdanta laga soo saaro laga helo, iyada oo loo sababeeyey in dheeman waaweyn la helo qalabka baaritaanka iyo soo saarista dheemanka loo adeegsanayo oo si casriyoobaya.

Dheemanka weyn ee 2015-kii laga helay BotswanaLahaanshaha sawirkaDONALD BOWERS
Image captionDheemanka weyn ee 2015-kii laga helay Botswana

16-ki November 2015-kii isla dalka Botswana waxaa laga helay dheeman cad oo miisaankiisu gaarayey 1,109 kaaraat oo kan hadda la helay xoogaha ka yar.

 

Qalabka soo saarista dheemanka loo adeegsado ee ugu casrisan waa X-ray Machine inta aan ciidda iyo dhagax la jabin lana meydhin ka horba wixi dheeman ee halkaasi ku jira sawir ahaan ku muujinaya.

Mashiinta ugu casrisan ee loo adeegsado soo saaridda DheemankaLahaanshaha sawirkaLUCARA DIAMONDS
Image captionMashiinta ugu casrisan ee loo adeegsado soo saaridda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here