Dowlada Sacuudiga oo xukun daldalaad ah ku fulisay 37 qof oo lagu eedeeyey..

0
629
A Saudi Arabia flag flies on the top of their consulate building on January 10, 2019 in Istanbul. - Amnesty International called on January 10 for an international investigation on the murder of Saudi columnist Jamal Khashoggi, during a ceremony in front of the Saudi consulate in Istanbul marking the 100th day of his murder that sparked global outrage. (Photo by OZAN KOSE / AFP) (Photo credit should read OZAN KOSE/AFP/Getty Images)

Dowlada Sacuudiga oo xukun daldalaad ah ku fulisay 37 qof oo lagu eedeeyey..

Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay maanta ah 37 nin oo lagu eedeeyay falal Argagixisanimo sida ay xaqiijisay wasaarada amniga ee dalkaas.

Qoraal Wasaaradu soo saartay ayaa lagu sheegay in xubnahan lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin ka qeyb noqoshada weeraro lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidanka Amniga boqortooyada oo dalkaas ka dhacay sanadihii la soo dhaafay.

Xubnaha la daldalay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay la shaqeynta wax boqortooyadu ku tilmaantay ururo iyo dalal cadow ku ah danaha Sacuudiga, ayna ku howlanaayeen sameynta ururo ka dagaalama gudaha dalkaas.

Fulinta xukunadan ayaa hal waqti ka wada dhacay magaalooyinka Riyaad, Makka, Madiina, gobolka Qaasim iyo gobolka bari oo ay ku xoogan yihiin shiicada laga tirada badan yahay ee ku nool Sacuudiga.

Ragga la daldalay laba ka mid ah ayaa dilkooda ay dowlada Sacuudigu ku soo bandhigtay meel fagaare ah waxaana loo adeegsaday Xarig, iyadoo inta kale lagu fuliyey xukunkooda xabsiyo ay ku jireen.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii magaalada yar ee Zulfa lagu dilay afar nin oo weerar hubeysan ku soo qaaday bar control oo ay booliska  Sacuudigu leeyihiin, waxaana masuuliyada weeerarkaas sheegtay kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here