Wararkii ugu dambeeyay magaalada Khartoum oo gashay xaalad Milateri+Madaxwayne Al Bashiir oo La Sheegay In Uu Is Casilay

0
663

Wararkii ugu dambeeyay magaalada Khartoum oo gashay xaalad Milateri+Madaxwayne Al Bashiir oo La Sheegay In Uu Is Casilay

Xaalad Milateri ayaa saaka ka jirta magaalada Khartoum ee dalka Sudan, kaddib markii Ciidamada Milateriga ay la wareegeen xarumo muhiim ah, sida Raadiyaha dowladda Xarunta Telefishinka.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku sugan xarunta Madaxtooyada, halkaasoo la sheegayo in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir lagu xanibay.

Garoonka diyaaradaha ayaa sidoo kale saaka la xiray, waxaana xaalada u muuqataa mid gebi ahaanba Ciidamada Milateriga iyo kuwa Nabadsugida isla og yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada ay saaka aroortii kulan yeesheen, kana wada hadleen xaalada ay gashay dalka Sudan oo banaan baxyo ka socdeen, waxaana la filayaa inay soo saaraan go’aano.

Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir ayaa si rasmi ah isu casilay kaddib banaanbax shan habeen oo xiriir ah ka socday Iridda Madaxtooyada dalkaas iyo mid guud oo dalkaas ka socday dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu hayaa Xabsi Guri ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka dalka Suudaan.

Waxaa kale oo la xiray Raiisul Wasaaraha dalkaas Bakri Axmed Saalax iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Cali Cismaan Dhaha iyo xubno kale.

Milatariga ayaa magacaabay Gole kooban oo dalka sii maamulaya, waxaana hoggaamiye looga dhigay Cawad Ibnu Cowd.

Dadka Reer Suudaan ayaa buuxiyay Waddooyinka Khartuum.

Milatariga Suudaan ayaa saaka waxaa ay la wareegeen TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda, waxaana ay joojiyeen dhamaan Barnaamijyadii maalin laha ahaa iyaga oo ku beddelay Muusigga Heesaha Ciidanka.

Dadka Suudaan oo aad u faraxsan ayaa saaka ku damaashaadaya Waddooyinka Waaweyn ee Khartuum oo bilihii la soo dhaafay ay ku banaanbaxayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here