Golaha amniga ee QM oo kulan degdeg ah ka yeeshay gulufka colaadeed ee Libiya

0
621

Golaha amniga ee QM oo kulan degdeg ah ka yeeshay gulufka colaadeed ee Libiya

Diblomasiyiinta ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa kulan degdeg ah ku leh xaruntaasi iyaga oo ka tashanaya halista sii kordheysa ee ku aadan iska hor-imaad xoogan oo milatri oo ka dhaca dalka Libya.

Kulanka ayaa la dalbaday kaddib markii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras uu sheegay in wadahadaladii uu la yeeshay taliyaha ugu awooda badan milatriga Libya general Khalifa Haftar aysan miradhalin.

Milatargia General Haftar ayaa bilaabay khamiistii guluf colaadeed oo ay dib uga qabsanayaan xukuumadda Midnimo ee Libya ee Qaramada Midoobay ay taageerto.

Maxaabiis Soomaali ah oo Liibiya laga soo daynayo

Xoghayaha guud ee hay’adda QM Antonio Guterres, ayaa sheegay in wadahadalo uu la yeeshay taliyaha ugu awooda badan milatriga Libiya ay kusoo dhamaatay bilaa natiijo.

Balse General Haftar ayaa lasoo sheegayaa inuu u sheegay Antonio Guteras in ciidamdadiisa ay kusii jeeedaa magaalada Tripoli, uuna sii wadi doono dagaalka ilaa inta uu ka jabinayo argagixisada.

Mr Guterres ayaa dhankiisa ku celiyay in Qaramada Midoobay ay ku taagan tahay fududeynta helida xal siyaasadeed oo looga gudbayo colaadan iyo taageerada dadka Libya.

Waxaa lasoo sheegaya in dagaalka u dhexeeyo ciidamada general Haftar iyo dagaalyahanada taabacsan xukuumada Libya uu ka soconaya meel 50 kiilo mitir u jirta koonfurta caasimada Tripoli.

Beeesha caalamku ayaa aqoonsan xukuumada fadhigeedu yahay caasimada Tripoli, halka general Haftar uu ku xoogan yahay beriga dalkaasi Libya.

Dalka Britain ayaa dalbaday kulanka degdega ah ee golaha amniga uu ka yeeshay xiisada Libya,, iyada oo safiirka UK uu ku booriyay in general Haftar uu ciidamdiisa kala baxo goobaha ay la wareegeen uuna joojiyo howlaha milatari.

Safiirka UK iyo iyo ergeyga Faransiiska ayaa sheegay insaysan jirin xal lagu gaarayo talaabo milatari oo laga fuliyo dalka go’doonsan ee Libya, waxa ayna ugu baaqeen cid walba inay kusoo laabta miiska wadahadalada siyaasadeed ee QM ay garwadeenka ka tahay.

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterras ayaa u safray halka uu ku xoogan yahay general Haftar ee bariga Liby, si uu isugu dayo ka hortaga wax uu ugu yeeray dagaal uu dhiig ku daato.

Balse wuxuu sheegay inuu ku guuldareystay inuu ku qanciyo general Haftar joojinta weerarka uu ku qaadayo xukuumada caasimada Libya, isaga oo bartiisa twiterka soo dhigay inuu Libya isaga tagyo isaga oo ka niyad jabsan waxa dhacaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here