Magacii Iyo Astaantii Xisbiga Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo La Badalay

0
786

Magacii Iyo Astaantii Xisbiga Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo La Badalay

Jig Jiga (Dalmar-News):- Waxaa si buuxda loo ansixiyay badalida magaca Xisbiga dowlad deegaanka Soomaalida , waxaana lagu badalay Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida, halka markii hore uu ka ahaa Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la badalay Astaantii Xisbiga oo lagu celiyay Astaantii hore oo la badalay xilligii Cabdi Maxamuud Cumar, xilligaas oo guud ahaan Astaamihii Soomaalinimo lawada badalay balse hadda dib loo soo celiyay.

Guud ahaa Shirwaynaha ayaa wax yaabo badan lagaga wada hadlay, iyadoo maanta codadka lasiinayay Odayaal dhaqameedyada degaanka oo runtii hadalo taariikhi ah halkaa kasoo jeediyay.

Shirwaynahan ayaa maalinta bari lasoo gunaanadayaa, iyadoo bari la dooran doono Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeen, iyo sidoo kale Gole dhexe iyo Gudida fulinta ee Xisbiga.

Shacabka degaanka ayaa aad usoo dhaweeyay tallaabooyinka ilaa haatan uu ku socdo Shirwaynuhu, halka dadka qaarkii aysan aaminsanayn in wax is badal ah uusan keenayn Shirwaynuhu, maadaama wali fadaraalku uu gacanta kula jiro hawlaha Xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here