Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay Sabtida in laga doodi doono xaaladda amniga

0
722

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay Sabtida in laga doodi doono xaaladda amniga

Isaga oo ka hadlaayay Hadal jeedin uu u jeedinaayay Xubnaha Golaha Shacabka Somaliya, ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu iclaamiyay xilliga Golaha ay ka doodayaan xaaladda ammaanka ee dalka.

Mudooyinkaan dambe ayaa waxaa jirtay amnidaro wayn oo ay dareemayeen shacabka Somaliyed, qaasatan Muqdisho oo ay ka dhacayeen falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay Sabtida soo socda in Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ay ka doodi doonaan xaaladda amniga ee dalka.

“Ka hortagga Dhagartaasi ay soo maleegaan argagixisada waxay u baahan tahay in si dhab ah loola xisaabtamo Hay’adaha ammaanka u xilsaaran & difaaca, sidaasi awgeed Golaha Shacabka Baarlamaanka Federalka Somaliya isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga, waxaa Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka kulankoodii qabsoomay 1-4-2019 ay ku go’aamiyeen Kulanka Golaha Maalinta Sabtida ah oo taariiqda tahay 06-04-2019 Ajandihiisa uu noqon doono ka doodista Xaaladda ammaan ee dalka.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here