23 Askari oo Boolis ah oo lagu xiray magaalada Muqdisho Musuq darteed.

0
607

23 Askari oo Boolis ah oo lagu xiray magaalada Muqdisho Musuq darteed.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliyed Sareeye Guuto Zakiyo Xuseen Axmed, ayaa sheegtay iney xabsiga dhigeen 23 askari, kuwaasoo la qabtay iyagoo sameynayay falal musuq maasuq ah oo lidi ku ah shaqada Ciidanka.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho ayey Taliyaha sheegtay ineysan u dulqaadaneyn iney musuq sameeyaan Ciidamada amaanka ee sugaya nabad gelyada gobolkan, waxeyna tilmaamtay in cidii falkaas lagu qabto uu cadaalada wajihi doono.

Waxa ay dhinaca kale soo hadal qaaday howlgalada socda iyadoo sheegtay inuu saameeyay adeegyadii Shacabka, waxeyna bulshada ka dalabatay iney u dulqaataan inta ay howlgalada ka soo afjarayaan.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliyed Sareeye Guuto Zakiyo Xuseen Axmed, ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday gaari Hilib u siday kawaanka degmada Xamarweyne oo maanta Ciidamada amaanka ay ku celiyeen Isgoyska Sanca, sababtaas ayey ku sheegtay iney la xiriirtay in Wadaha gaariga Hilibka siday uu isku dayay inuu lacago musuq maasuq ah siiyo Ciidanka, si aysan u baarin.

Dhowr Kontorool ayey sheegtay inuu wadaha gaarigaas ka soo leexday, wixii xiligaasi ka dnabeeyayna ay sheegtay in booliska qaadeen tuhumo la xiriira inuu sido walxaha qarxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here