Xisbiga Erdogan Oo Diiday Natiijada Doorashadii Istanbul

0
608

Xisbiga Erdogan Oo Diiday Natiijada Doorashadii Istanbul

Ankara (Dalmar-News):- Xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP ayaa go’aansaday inuu diidmo ka gudbiyo natiijooyinka doorashooyinkii dhammaan 39-ka degmo ee magaalada Istanbul, sida uu weriyey wargeyska Hurriyet.

Go’aankan ayaa ka dambeeyey kadib markii natiijada codbixinta ay muujisay inuu codad yar ku hoggaaminayo musharaxa xisbiga mucaaradka.

Xisbiga AKP ayey u badan tahay inuu lumiyo maamulka labada magaalo ee dalka ugu weyn ee Istanbul iyo Ankara, taasi oo dib-u-dhac aan la fileyn ku ah qorshaha madaxweyne Erdogan uu kula dagaalamayo dhaqaale-xumida dalka.

Musharaxa xisbiga mucaaradka CHP ee duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu iyo musharaxa la loolamaya ee xisbiga AKP, ahna ra’iisul wasaarihii hore, Binali Yildirim, ayaa labaduba sheegay in Imamoglu uu horreeyo qiyaastii 25,000 cod.

Xisbiga AKP ayaa sheegay in uu isticmaalayo xuquuqda uu u leeyahay inuu diido natiijada codbixinta, oo ay ka dhaceen qaladaad.

Waqtiga loogu talo-galay in xisbiga uu racfaan ka qaato natiijada ayaa ku ekaa 12:00 PM ee xilliga Istanbul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here