Shabaab oo Jubbada hoose ku toogtay Afar ruux oo lagu eedeeyay Jawaasiis

0
648

Shabaab oo Jubbada hoose ku toogtay Afar ruux oo lagu eedeeyay Jawaasiis

Ururka Al Shabaab ayaa Degmada Kamsuuma ee Gobolka Jubbada hoose, waxa ay ku toogteen afar ruux oo ay ku eedeeyeen inay jawaasiis ahaayeen.

Raggaan ayaa waxaa la soo taagay fagaare ku yaalla Degmada Kamsuuma, xilli dadka Magaalada joogay la isugu yeeray oo ay daawanayeen qaabka xukunka dilka ah uu u dhacaayay.

Maxkamadda Shabaab ee Jubbooyinka ayaa raggaan, sheegtay inay jawaasiis ahaayeen sida xukunkooda ay u dhigeen, waxaana ragga la toogtay ay kala ahaayeen.

1-Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 sano jir ahaa, waxa ay Shabaab ku eedeeyeen Sirdoonka dowladda Somaliya inuu u gudbin jiray lambarada Saraakiisha Shabaab, waxayna sheegeen inuu qaadan jiray lacag dhan 50 Doolar.

2:Cilmi Warsame Cumar oo 22 sano jir waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeyn jiray Sirdoonka dalka UK, waxayna ku sheegeen inuu Sawirro ka soo qaadi jiray deegaanka Booco & goobaha Saldhigyada u ah Shabaab ee Gobolka Hiiraan.

3:Cumar C/laahi Cabdi oo 28 sano jir ahaa ayaa Shabaab waxa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeyn jiray Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku eedeeyeen inuu qaadan jiray lacag dhan 477 Doolar.

4: Maxamuud Abuukar Xaaji oo 25-sano jir ahaa ayaa waxaa ay ku eedeeyeen inuu la shaqeyn jiray Sirdoonka dowladda Federalka Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here