DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho+Khasaaraha Ka Dhashay

0
526

DEG DEG: Qarax Xoogan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho+Khasaaraha Ka Dhashay

Qarax xooggan ayaa saaka ka dhacay inta u dhexeysa Isgoyska Al-Baraka iyo xaafada MBC, kaasoo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu xiray gaari marayay meel ku dhow Isgoyska Al-Baraka, waxaana ku dhintay Darawalkii gaariga waday, halka ay dhaawacyo ka soo gaareen Saddex ruux oo la sheegay inay ka shaqeynayeen maqaayad ku taalay halka uu gaariga qarxay marayay.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegay in qaraxa uu bur buriyay qeybta hore ee gaariga, waxaana durba goobta tagay Ciidamada ammaanka oo qaaday meydka Darawalka gaariga iyo dadka dhaawacayada noqday.

Lama oga waxa uu ahaa qofka qaraxa lagu dilay, waxaase muddooyinkan qaraxyada lagu xiro gaadiidka ay ka mid noqdeen kuwo lagu ugaarsado dad kala duwan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo saaka shacabka ay ku soo tooseen waddooyinka Muqdisho oo xiran, waxaana Waddooyinka xiran ka mid ah qaybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan dhanka Banaadir illaa Isgoyska Tarabuunka oo Ciidanka amniga ay joogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here