Rag hubeysan oo 100 qof ku dilay dalka Mali

0
614

Rag hubeysan oo 100 qof ku dilay dalka Mali

In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay tuulo ku taallo bartamaha dalka Mali, kaddib marki ay weerar soo qaadeen rag hubeysnaa oo xirnaa dharka ay dhaqan ahaan xirtaan dadka ugaadhsada ee ku nool deegaanka Mopti.

Ragga hubeysan inta ay weerarka geysan ka hor waxay isku hareeyeen tuulada iyaga markaa kaddib guri kasta galay oo laayey dadki ku ku noolaa tuulada Mopti ee dalka Mali.

Weerarka Sabtidi dhacay ayaa lala beegsaday dad ka soo jeeda beesha Fulani ee deegaankaasi ku nool.

Danjirayaasha qaramada midoobay ee ku sugan dalka Mali ayaa marar badan ka digay colaadaha beelaha u dhexeeya ee sii badanaya iyo dhibaatooyinka kooxaha jihaad doonka ay sameeyaan.

Dadka la laayey waxaa loo adeegsado qoryo iyo baangado ay dableeyda dadka ku googooynayeen.

Duqa tuulada Oenkoro oo ku dhaw halka weerarka uu ka dhacay Cheick Harouna Sankare, ayaa weerarka ku tilmaamay ‘xasuuq’.

Beesha ugaadhsiga dhaqanka u leh ee Dogon iyo beesha la laayey ee Fulan oo xoola dhaqata ah waxay inta badan isaga dhacaan daaqa iyo biyaha.

Labada beeloodna waxaa lagu tiriyaa iney xiriir dhaw la leeyihiin kooxda jihaad doonka ah ee ka dagaallanta dalka Mali. Beesha Fulaani waxaa lagu eedeeyaa ciidamada dowaladda Mali inay soo hubeeyaan si ay beelaha kale u weeraraan.

Sanadki hore boqollaal qof ayaa ku dhimatay dagaallo dhexmaray labada beelood ee Dogon iyo Fulani.

Khariirad muujineyso Mopti halka ay dalka Mali kaga taallo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here