Maxkamadda Ciidamada oo min lix sano ku xukuntay laba nin oo Daacish ka tirsan

0
509

Maxkamadda Ciidamada oo min lix sano ku xukuntay laba nin oo Daacish ka tirsan

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku wada xukuntay min lix sano xabsi ciidan ah laba Daacish ka tirsanaa sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Labada eedaysane ayaa waxay kala yihiin Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magaciisa afgarashada yahay  Suhayb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magiciisa afgarashada yahay Qudaama ayaa loo heystaa ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada  Daacish. Labadan, ayaa mar kawada tirsanaa maleeshiyada argagixisada Al-shabaab, waxayna  sii doorteen ugana wareegeen kooxda daacish oo ay  sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda,kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi sida  aar-gudasho iyo hanti.

Eedeysanaha  koowaad  ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab 2014, waxa uu kaga biiray tuulada lagu magacaabo Moordiinle, waxa uu sheegay in uu ku dhiirigaliyay nin uu sheegay in uu qabo gabar abtigii dhalay, waxa uu sheegay in dhowr cisho  loo taba-barayay isticmaalka hubka sida qoriga AK-47.

16-03-2019 ayaa  la muddeeyay dhageysiga dacwadda, sedax cisha kadib ayaa loo fariistay, ugu dambeyn maanta ayaa go aan si wada jir ah looga soo saaray, waxaana lagu wada xukumay min lix sano sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here