Turkiga iyo Iiraan oo bilaabay weerar ka dhan ah PKK

0
476

Turkiga iyo Iiraan oo bilaabay weerar ka dhan ah PKK

Milatariga Turkiga oo kaashanaya kuwa Iiraan ayaa bilaabay howlgal balaaran oo ka dhan ah dagaal yahanada Kurdida ee ku sugan xadka Bari ee Turkiga.
.

Wasiirka amniga gudaha Suleyman Soylu, ayaa sheegay in weerarkan wadajir ka ah oo ay qaadeen isniinta ay ku bartilmaameed sanayaan Kooxda PKK.

Isaga oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Antalya ee dhacda xeebaha bada Mediterranean-ka ayaa waxaa uu sheegay in ay soo saari doonaan wixii macluumaad ah ee soo kordha.

Soylo ayaa ka gaabsaday in uu macluumaad dheeri ah ka sii bixiyo howlgalka ka dhanka ah PKK oo ay iska garabsanayaan Turkiga iyo Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here