Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska Xoogga dalka oo ka hadlay mushaar la aanta heysata Ciidamada Xoogga dalka.

0
565

Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska Xoogga dalka oo ka hadlay mushaar la aanta heysata Ciidamada Xoogga dalka.

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xooogga dalka, ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay Ciidamada Xoogga dalka qeybtooda 12-ka April ee isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee dhacda wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Ciidamada ka soo baxay deegaanka Dhanaane, ayaa waxaa la soo sheegayaa iney ka cabanayaan mushaar la’aan heysatay mudo ku siman 4 bilood, taasoo keentay iney soo baneeyaan difaacyadoodii.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska Xoogga dalka, ayaa diirada lagu saaray habka ay u socoto bixinta mushaaraadka Ciidamada, iyadoo lagu qiray in Ciidamada qaar aysan qaadan mushaaraad, sababtana waxaa lagu sheegay diiwaanelin mudooyinkanba sooctay.

Qoraalka Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska Xoogga dalka ayaa u qornaa sidan:

Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay ku howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidanka.

Askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay waxa uu qaataa mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga.

Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa.

Ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah waxaa ku socda xaqiijin rasmi ah,sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka,waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray inuu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada.

Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo.

Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta.

Dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku guulaysatay in ay si joogto ah u bixiso mushaaradka askarta labadii sano ee la soo dhaafay, laakiin labadii billood ee ugu dambaysay lagu mashquulsanaa diiwaan gelin iyo xaqiijin rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here