Toddobaad Kaddib Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ethiopian Airlines Oo Loo Baroordiiqayo

0
512

Toddobaad Kaddib Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ethiopian Airlines Oo Loo Baroordiiqayo

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa baco ay ka buuxaan ciid laga soo qaaday halkii ay ku burburtay diyaaraddii Boeing 737 Max siiyay qaraabada 157-dii qof ee ku dhintay shilkaasi.

Kulan baroordiiq ah ayaana maanta lagu wadaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa. Qoysaska ayaa sidoo kale loo sheegay inay qaadan karto muddo lix bilood ah in la kala garto meydadka dadkii ku dhintay shilkaasi.

 

Wasiirka gaadiidka dalka Ethiopia ayaa sheegay inay baarayaashu ku qaadaneyso waqti ogaanshaha waxa sababay burburka diyaaradda.

Ethiopian AirlinesLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionShaqaalaha Qarammada Midoobay oo u baroordiiqaya asxaabtooda ku dhintay shilka

Magaalada Nairobi ayaa sidoo kale lagu wadaa in lagu qabto kulan loogu baroordiiqayo dadkii ku dhintay diyaaraddii toddobaad kahor maanta oo kale ku burburtay dalka Itoobiya. Kulankan oo ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen safaaradda Itoobiya iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa ka soo qaybgali doona xubno ka socda dhammaan safaaradaha iyo qunsuliydaha Kenya ku yaalla.

Diyaaraddan laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa Axaddii la soo dhaafay ku burburtay magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa.

Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay ku wajahneyd magaalada Nairobi.

Sida ay sheegen mas`uuliyiinta shirkadda Ethiopian Airlines, diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here