Madaxweynaha Jabuuti oo qudbad u jeedinaya maanta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

0
536

Madaxweynaha Jabuuti oo qudbad u jeedinaya maanta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in goordhow uu qudbad u jeediyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah ku leh maanta dugsiga Kaahiye.

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay xalay inay soo xaadiraan kulanka deg-degga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hortagayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wadooyinka ku dhow Dugsiga tababarka General Kaahiye ayaa la xirey iyadoo sidoo kale lagu wado in Madaxweynaha Jabuuti uu xariga ka jaro dhismaha safaarada dowlada Jabuuti ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
.
Xildhibaanada ay haatan fasax ku jiraan oo uu xiran yahay kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here