Ciidamada Kenya oo sheegay inay dileen saddex Shabaab hubna ay qabsadeen

0
516

Ciidamada Kenya oo sheegay inay dileen saddex Shabaab hubna ay qabsadeen

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dishay saddex dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Shabaab.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Difaaca Kenya ayaa sheegay Ciidankooda oo rondo ku jira inay ka hor yimaadeen dagaalyahano Shabaab ka tirsan, kadibna dagaal uu halkaasi ka dhacay.

Deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose ayuu dagaalkaan ka dhacay, waxayna Kenya sheegatay laba Qori oo Ak47 ah in dagaalka ay ku soo furteen.

Shabaab wali kama aysan hadlin dagaalkaan guusha ay ka sheegteen Ciidamada Kenya ee ka tirsan hawlgalka Amisom ee Somaliya.

Al Shabaab ayaa badanaa weeraro kala duwan la beegsada fariisimada Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here